C/raxmaan Faroole “Jawaari iyo Wasiir Xoosh howlaha ay faraha kula jiraan ha joojiyeen”

farole

C/raxmana Faroole ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Wasiirka Dastuurka inay faraha kala baxaan howlaha ay faraha kula jiraan, isagoo tilmaamay inay la wareegeen awoodihii hey’adaha dastuuriga.

“Guddoonka Golaha shacabka waxaa ugu baaqayaa fara gelinta haka daayo maamul goboleedyada baarlamaanadooda oo hadba meel ku casuumayo oo faraha hala baxo”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Waxaa uu sheegay in haddii Aqalka sare uu dhismay uu Golaha shacabka uu ahaanayo Hal aqal.

“Caqabadaha socda waxaa ka mid ah in lala dirirayo nidaamka federaalka, waxaa kow ka ah Hoggaanka Golaha shacabka iyo cida keentay ee magacawday wasiir aan ku habooneyn Wasaaradda Dastuurka oo awalba loo heystay dastuurkii KMG shirweynihii dastuurka ee lagu ansixiyay Xamar sanadkii 2012 faraha gelisay oo buuggii wax ka bedeshay, maalmahan shirarka waday, cida la hadashana aysan jirin”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dib u eegistii dastuurka ay soo dhamaatay, isla markaana qodobada qaar ee dastuurka ku jirana ay ahaayeen kuwo la laalay, maadaama Aqalka sare iyo dowlad goboleedyada ay sameysmeen, howsha dastuurka ay u xil saaran tahay Guddiga madaxa banaan oo ah cida qoreysa.

Waxaa uu ugu baaqay Qaramada Midoobey, gaar ahaan UNDP inay joojiso maalgelinta ay ku bixineysa howsha uu wado Wasiir Xoosh, isagoo baaq u diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

“Qaramada Midoobey, gaar ahaan Hey’addeeda UNDP horumar ayay aheyd inay ka shaqeeyaan, ma haboona inay siyaasad ka shaqeeyaan, waxaa leenahay ha joojiyeen maalgelinta ay ku wadaan howsha Wasiir Xoosh iyo Jawaari ay wadaan, ha joojiyeen lacagta lagu bixinayo ka leexinta wadada saxda aheyd ee dastuurka iyo awoodaha hey’adaha federaalka”ayuu yiri Faroole.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhowana warqad uu qoray ku sheegay in Guddoonka Golaha shacabka uu faragelin ku haayo nidaamka Federaalka, isla markaana uu wado isku day lagu burburinayo nidaamka federaalka, waxaana uu ka soo horjeestay shir uu isugu yeeray Guddoomiye Jawaari Baarlamaanada maamul goboleedyada oo lagu wado inay ku shiraan Baydhabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.