Soomaaliyey waa kuwaas Mucaardka bari inay na hogaamiyaan raba W/Q Cabdi Aden

maqa

Waxay fanaaniin ku heeseen Musiibadu aduunyada ayadaa macalin u ah , 30 kii sanoo u danbeysey isma weydiinayno musiibada aan gacanteena ku samaynay oo nagu habsatey , iyo inaan noqonay dadka aduunka ugu liita dhan walba ,anagoo isku jinsiyad isku af iyo isku diin ah .
Waxaa nasiib daraa in ay wali jiraan siyaasiyiin raba inay barri na hogaamiyaan  oo aad u qabto musiibadii na soo martay inaysan waxba ka kororsan oo wax ka baran , oo xaalkoodu yahay hadaan kooyey  oo aad u qabto qabiil wax ku raadin iyo in qabiil lagu awrkacsado ay u shaqayn karto , intay wax nooga raadsan lahaayeen qabiil ka fogaasho iyo midnimo soomaaliyeed wax ku raadin .
Bal meeshaan marayno kuwa u hanqaltaagaya inay na xukumaan ila fiiriya bal labo ka mida aan tusaale ahaan ussoo qaato :-
1-Mika 1aad oo ka mida wuxuu qabo :Madaxweyne umadda soomaaliyeed oo jooga caasimadii umadd Soomaaliyeed in la yiraahdo caasimadiisii martuu ku yahay ,labada gudoomiye ee Barlamaanka Federaalkaa la yiraahdo caasimada martey ku yihiin , xubnahay Barlamaanka Federaalkaa 80% la yiraado casimadoodii martey ku yihiin .
Oo hadana la leeyahay barlamaanka saas lagu qiimeeyey na soo raaca oo dawladda nala rida ,nasiib darada na haysata waa in dadka noocaasihi hawoodaan ama damac ka galo inay na hogaamiyaan , waa hubaal nama hogaamin doonaan mana ussoo dhawaanayaan ,ee waxay naga mashquulinyaan geedi socodka dawladnimo iyo si xawliya inaan horey ugu sii socono .
2- Midka 2aad :-Deegaanka aan ka soo jeedaa Dawladii Soomaaliyeed laga ridey ,hadaan la yeelin sidaan anagu rabnana tana waan rideynaa .
Qofka buburintii dawladda soomaaliyeed iyo afooyinkii ka danbeeyey inuu ku faano inuu ka danbeeyey hadana sidaas baan u celinyaa ku goodinaya ,isla markaasna u hanqal taagaya inuu dalkaan hogaamiyu ,maxaa lagu timaami karaa ma qof caafimaad qaba mise qof xanuunsan .
Waxaan tusaalayaashaas ussoo qaatay dad badan oo niyad wanaagsan oo waxaad arkaysaa wararkaas aadka u liita ay samaynayaan oo tusaale ahaan dhahaya waa in caasimad kale la raadiyaa , saas markaad tiraahdo ayagii baad la mid noqonaysaa ,mana aha inaad u gafto kuna qiimayso umadda soomaaliyeed oo caasimadda dagan tirada faro ku tiriskaa oo qabyaaladda wax ku doonaya kuna awrkacsanaya .

Isku soo wada duuboo markaan arkay qaabkaas ay u dhaqmayaan nimaankaan mucaaradka sheeganaya ma aha qaab ay ku gaaryaan inay na hogaamiyaan ee “cadan baanba ka heeseynaa” ee xaalku saas waa ka gadisanyahay oo nimanku saas waa noo muujinayaan oo isku qarinyaan si aanan u fahmin ujeedkooda runtaa , balse ujeedkoodu runtaahu yahay ayagoo shaqaale u ah Dawlado raba in Soomaaliya meeshay taalo inaysan ka kicin , dawladahaas oo sidaas u arka in ay danahooda istraatiijigaa iyo dhaqaale saas ku jirto .
Ilaahayow umadda soomaaliyeed danteeda garansii adaa awoodee

Cabdi Aden
Waryaa53@hotmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.