Shabaab oo bilaabay qorshe halis ku ah dalka Kenya

Xoogaga Shabaab ayaa ee ka dagaalama Somaliya iyo Kenya, ayaa bilaabay qorshe ay ku qoranayaan haween qurxoon, si ay u soo basaasaan ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka Waqooyi Bari.

Ilo ammaanka gudaha ah oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay heleen macluumaad ku saabsan Shabaab inay qoranayaan haween cusub oo u adeega kana, shaqeeya dhanka muqaabaraadka.

“Haweenka waxa ay doonayaan inay xiriir la sameeyaan ciidamada, si ay u helaan xoggaha gaarka ah ee ciidanka.” Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo la hadlay Wargeyska The Star.

Xoogaga Shabaab ayaa aaminsan door wayn inay ka qaadanayaan haweenkaan dagaalka ka dhanka ah dalka Kenya, waxaana suuragal ah in qaar ka mid ah haweenka ay adeegsadaan fulinta qaraxyo.

Joseph Kanyiri, oo ah Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay qorshahan cusub ee Shabaab ay bilaabeen inuu yahay mid halis ah, marka loo eego shaqaaleysiinta haweenka ee dhanka muqaabaraadka.

“Sanadkii la soo dhaafay waxaan xirnay laba dumar ah, deegaanka Kiunga, kuwaasi oo jaajuusiin u ahaa kooxaha argagixisada.” Ayuu yiri Kanyiri.

Sanadkii 2016-kii Al Shabaab ayaa afduubtay 375, waxayna qaadeen 332, iyaga oo dilay 741, sidoo kalena dhaawacay 921, sida lagu sheegay warbixin la soo saaray.

Saraakiisha ammaanka dalka Kenya, ayaa walaac xooggan ka muujinaya qorshahan cusub ee Shabaab ay bilaabeen, maadaama ay adeegsanayaan dumarka kuwooda qurxoon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.