SAWIRRO: Guddoomiye Thaabid oo Caafimaad dibadda ah u diray Faa’iso Maxamed

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa Maanta garoonka diyaaradaha ku sagootiyay Faa’iso Maxamed Cabdi oo ah gabadhii uu dhibaatada u geystay askarigii ka tirsanaa Maamulka Puntland.

Faa’iso ayaa waxaa xabad kaga dhuftay qeybta hoose ee jirkeeda askari ka tirsanaa Maamulka Puntland oo hada la sheegay inuu ku xeran yahay xabsi ku yaalla Magaalada Garoowe.

Guddoomiye Thaabid ayaa bixiyay Fiisaha caafimaad ee Faa’iso ay maanta ugu amba baxday dalka turkiga si xaaladeeda caafimaad wax loogu qabto.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka ayaa bixinaya dhamaan lacagaha ku baxaya faa’iso iyo labadeeda waalid inta ay ku sugan yihiin dalka Turkiga.

Safarka caafimaad ee faaiso waxaa ku wehlinaya labadeeda waalid, waxaana bixiyay lacagaha ay ku baxeen guddoomiyaha gobolka banaadir.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee muqdisho.

Sheekh Maxamed Cabdi oo ah aabaha dhalay faaiso ayaa u mahad celiyay guddoomiyaha gobolka banaadir.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa  khamiistii la soo dhaafay garoonka muqdisho ku sagootiyay wiil yar oo wadnaha uu dhiig kaga furmay kaasi oo dalka gudihiisa wax loogu qaban waayay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.