Saraakiisha Puntland oo Digniin u diray Ganacsatada Gobolka Mudug

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen Saciid Maxamed Xirsi Saciid Dheere oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan Dad ku sugan Gobolka Mudug oo ka qeyb qaata Dagaalka Qabiilka ku saleysan ee ka dhaca Dhulka Miyiga ah ee Hoostaga Magaalada Gaalkacyo.

Gen.Saciid Dheere ayaa sheegay in Ganacsatada Gobolka iyo Haweenka intaba ay qeyb ka yihiin Dadka Huriya Colaadda Gobolka Mudug,wuxuuna ugu baaqay in ay Joojiyaan Daadinta Dhiiga dadka Muslimka ah ee ku nool Miyiga Gobolka Mudug.

Maalmo ka hor ayey aheyd Markii Maamulada Puntland iyo Galmudug ay Magaalada Gaalkacyo ku kala Saxiixdeen Heshiis Nabadeed oo lagu soo Afjarayo Dilalka ka dhaca Miyiga Gobolka Mudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.