Faah-faahin dagaalkii ka dhacay Koofurta Magaalada laascaanood Ee Gobolka Sool

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Culus oo u dhexeeya Labo Maleeshiyo oo Maanta mar kale dib uga qarxay deegaanka Gumburka oo dhanka Koofureed ka xiga Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka Maanta waxaa uu geystay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac,waxaana la sheegay in ilaa 10 Qof oo Labada Dhinac ah ay dagaalka Maanta ku dhinteen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Dhaawacu uu Kor-u dhaafay 20,iyadoo dadkii ku dhaawacmay la kala geeyay Isbitaallo ku yaalla Gaalkacyo iyo Laascaanood oo lagu dabiibayo Xaaladooda Caafimaad.

Maanta deegaanka Gumburka  waxaa ku baxay Salaadiin uu diray Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas si ay ukala qaadaan Maleeshiyaadka Dagaalamaya

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.