Sirdoonka Kenya oo sheegay in Al-shabaab ay Bilaabeen Qorsheyaal Cusub oo Halis ah

Alshabab

Saraakisha Ciidamada Kenya ayaa sheegay in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay dajiyeen Qorsheyaal halis ah oo dhanka Sirdoonka ah,sida laga soo xigtay Sirdoonka Kenya.

Joseph Kanyiri oo ka mida Saraakiisha Sar-sare ee Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay diyaariyeen Haween ka tirsan Shabaab oo aad u Qurxoon,kuwaas oo uu sheegay in Al-shabaab ay geyn doonaan Gobolka Somaalidu degto Ee Waqooyi Bari kenya.

Joseph Kanyiri ayaa intaas ku daray in Hablaha ka tirsan Shabaab ay doonayaan in Xariir Saaxiibtinimo ay la yeeshaan Ciidamada Kenya si ay u helaan Xog dhanka Sirdoonka la xiriirta.

Sargaalkaan u hadlay Ciidamada Kenya wuxuu sheegay in Horay Al-shabaab ay Talaabadaan oo kale sameeyeen islamarkaana ay Dumar u adeegsadeen Basaasnimo si ay Gudaha Kenya Xog uga helaan.

Al-shabaab ayaa Weeraro isugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah intaba ka geystay Gobolka Waqooyi Bari Kenya,waxaana kii ugu saameynta badnaa uu ahaa Weerarkii ka dhacay Jaamacadda Magaalada Gaarsisa 2015

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.