Ciidamada Kenya iyo Shacab dhagaxaan wata ayaa iskaga horymid Baladxaawo iyo Qasaaro Ka dhashay

balad

Wararka naga Soo gaaraya Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaay sheegayaan in halkaas ka socdaan dagaal u dhaxeeya Shacabka degmada Baladxaawo oo ku hubaysan dhagaxaan iyo Ciidamada Kenya oo wata Gadiidka Dagaalka.

Ciidamada Kenya ayaa shacabka Baladxaawo u adeegsaday Rasaas waxaana lasheegayaa in qasaaro ka dhashay dhaawac dhimasho aan wali laxaqiijina waa jirtaa.

Shacabka degmada Baladxaawo ayaa iskood isu abaabulay kadib markii Ciidamada Kenya ay isku dayeen inay burburiyaan guryo kabadan 500 oo ku yaala degmada Baladxaawo.

Ciidamada Kenya ayaa maalmihii dambe duulaan kusoo ahaa xuduuda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.