Shirkii Beesha Tanade darood oo Kalsoonida kala Noqotayay Puntaland

puntland

1. Beesha Tanade waxaa u caddaatay in aysan waxba ku lahayn Matalaadda, Go’aannada iyo Talooyinka Masiiriga ah ee Dowlad-Goboleedka Puntland, isla markaana ay Puntland lumisay kalsoonidii shacabka Beesha Tanade, Sidaas darted, Beesha Tanade waxa ay kalsoonidii kala noqotay Maamulka Puntland, waxayna laashay dhammaan wada shaqeyntii Siyaasadeed ee ay la laheyd, inta heshiis, Saami-qaybsi dhab ah iyo Mataalad buuxda laga helayo.

2. Shirka Beesha Tanade waxaa lagu dhisay Golaha Hoggaanka Beesha Tanade (GHBT) oo ka kooban 27 xubnood oo ay ka mid yihiin Xildhibanada iyo dhammaan qeybaha bulshada Beesha, Golahaas oo u xilsaaran Arrimaha Siyaasadda, Amniga, Bulshada iyo Deegaanka.
Golahaas oo kaliya ayaa awood u leh inuu matalo Beesha Tanade, isla markaana Xiriir iyo Wada-xaajood la yeelan kara Dowlad-Goboleedyada., Dawladda Federal Soomaliya, Beesha caalamka iyo cid walba oo ay wax kala dhaxeeyaan.

3. Shirka Beesha Tanade waxa lagu go’aansaday in la dhiso 01-05-2018 Golaha Guurtida Beesha Tanade (GGBT), Inta laga gaarayo waqtigaas waxaa xilka Golaha Guurtida sii wadaya Xubno ku meel gaar ah oo ka kooban Isimada iyo 14 Nabadoon oo ay soo Wakiisheen dhammaan Nabadoonnada Beesha Tanade

4. Beesha Tanade waxa ay mudnaan siinaysaa wixii dano, masaalix iyo xeerer ahaa ee kala dhexeeya Beelaha Puntland iyo kuwa aan ood-wadaagta nahay.

5. Beesha Tanade waxay ku baaqaysa in la ilaaliyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, lana taageero Dawladda Federalka Soomaliya (DFS.)

6. Beesha Tanade waxay ugu baaqaysaa DFS iyo Beesha caalamkaba in ay tix-galiyaan go’aannada Beesha, lana shaqeeyaan Golaha Hoggaanka Beesha Tanade (GHBT).

7. Beesha Tanade waxay ugu baaqaysaa Ummadda Soomaaliyeed nabad gaar ahaan Beelaha ku nool Gobolka Mudug inay isugu yimaadaan Shir nabadeed, kana tashadaan Aayaha iyo masiirka Gobolka, si loo soo af-jaro colaadaha soo noqnoqday ee naafeeyey horumarkii Gobolka, sababayna barakac, burbur naf iyo maalba leh, arrintaas oo Musiibo iyo ceeb ku ah Dadka Gobolka, waxayna ku baaqaysaa in wax kasta oo khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal lagana fogaado gacan ka hadal.

8. Beesha Tanade waxay ka mid tahay Beelaha Soomaliyeed ee aaminsan nabada iyo isku tashiga. Sidoo kale is dhex galka iyo wada noolanshaha. Iyadoo sida tahay ayey Beeshu ka tabanaysay cadaalad xumo dhanka mashaaricda horumarka iyo gargaarka Beesh Calamka oo uu Maamulka Puntland sameyey. Sidaa darted Golaha Hogaanka, Golaha Guurtida iyo shacabka Beeshu waxay ugu baaqayan dhamaan Dowladda Federalka, Hay’addaha Caalamiga iyo Maalgashayasha daneeya horumarka Soomaaliya in ay kala shaqeyan Beesha Tanade mashaaricda horumarka iyo soo kabsiga. Gacana buuxda ku siiyan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.