Guddoomiye Laameed Saakay lagu dilay Degmada Waabari Ee Gobolka Banaadir

Dableey Bastoolado wadatay ayaa Saakay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ku dishay Guddoomiye Laameed ka tirsan Maamulka Degmada Waabari.

Dilka ayaa la sheegay in ay Fuliyeen Koox Hubeysan oo watay Mooto ama dhug-dhugleey,waxaana ay ka baxsadeen Goobta ay wax ku dileen.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Goobta Baaritaano ka smaeeyay,inkastoo aysan jirin cid ay Falkaasi u soo qabteen.

Hayeeshee weli waxaa Degmada Waabari qeybo kamida ka socda Baaritaano xoog leh oo ay wadaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.