Maqal Iyo Muuqaal :Prof Cali Maxamed Geedi ayaa hadalkii Cabdirahman Cabdishakuur ku tilmaamay Hadaaq xamarna lama kala xigo

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG aheyd ee Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dowladnimadii Soomaaliya waqti badan la soo geliyay dhiig badana uu ku daatay isla markaana ay u baahan tahay in la garawsado.

Waxaa kaloo sheegay Prof Geedi dowladda jirta markii la dhisay ayaa lagu bilaabay jalaafooyin iyo in loo dhigo qodxo si ay u burburto dowladdu ma diidana mucaarad balse aan la dooneyn mucaaradnimo wax lagu burburinayo.

waxaa kaloo sheegay in ay jiraan Siyaasiyiin sheegaya in Muqdisho cid gaar ah ay leedahay isla marakana dalka kala qeybinaya, Muqdisho Cid marti ka ah majirto Siyaasiyiin Xil doon ah ayaa dalka kala qeybinaya ayuu kusoo gaba gabeeyey Geedi.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.