Madaxda Ahlu Sunna oo kulan ku yeelanaya Dhuusa-mareeb

shaakir

Maagaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan Madaxda maamulka Ahlu Sunna ee dhowaan Muqdisho kula heshiiyay Galmudug.

Madaxa Golaha Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan oo shalay dib ugu laabtay degaanada Maamulka Ahlu Sunna ayaa waxa uu ku hormaray magaalada Guriceel, halkaasi oo uu kula hadlay dadweyne fara badan.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay markii uu ka tagayay Ahlu Sunna uu ahaa Madaxweynaha Ahlu Sunna, balse shalay oo uu ku laabtay uu yahay Madaxa Golaha Xukuumadda Maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay muhiim in ay tahay Ahlu Sunna in ay u diyaar garowdo dhaqan gelinta heshiiskii ay la gashay Galmudug iyo in loo diyaariyo Madaxda Galmudug in ay u soo guuraan magaalada Dhuusa-mareeb.

Dhowaan ayaa la rajeynayaa maamulka Galmudug inuu u soo guuro magaalada Cadaado, si uu u soo dego magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana shacabka Dhuusa-mareeb ay u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Madaxda Galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.