Golaha Iskaashiga D/Goboleedyada oo ka hadlay sii deynta C/raxmaan C/shakuur

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada qoraal ay soo saareen waxay kaga hadleen sii deyntaii xalay ee Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaasi oo habeenkii 18-kii bishan lagu soo qabtay Howlgal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay guriga Muqdisho uu ka degan yahay.
Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday howlgalkaas, waxaa uu Goluhu sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay uu isha ku hayay xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay sheegeen in hadii aan xal siyaasadeed oo deg deg laga gaarin saameyn xooggan ku yeelan karto degenaanshaha iyo xasiloonida dalka.

Golaha ayaa waxa ay sheegeen inay soo dhaweynayaan sii deynta Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo ay ku tilmaameen siideyn shuruudeysan, iyaga oo ka digay inaan dambi laga dhigin kala aragti duwanaanta siyaasadeed, iyadoo la beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Waxay ka digeen inaan xoog ciidan lagu xalin khilaafaadka siyaasiga ah, iyagoo xasuusiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya in dalku u nugul yahay wax walbo, sidaasi darteed wada hadal wax lagu xaliyo.

Sidoo kale Ciidamada ayaa waxa ay u soo jeediyeen in aysan ku milmin siyaasada, ciidamada Nabad sugida iyo kuwa xoogga dalkana waxay kula taliyeen inaan loo isticmaalin arrimaha madaniga ah ee Booliiska loogu tala galay.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa xalay saqdii dhexe laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), kadib wada hadalo saacado badan qaatay oo tan iyo shalay galab ka soconayay Magaalada Muqdisho

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.