Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo ka qeyb galay Xuska Munaasabadda Ciidanka Booliska

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehlinayaan Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa salaan sharaf ka qaadanaya Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Munaasabad loogu dabaal dagayo Sanad guuradii 74aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka soconeysa Xarunta Jeneraal Kaahiye, waxayna ciidamada Booliska soo bandhigeen dabaal dagyo ay ku muujinayaan weyneynta maalintan.

Wasiiro, Xildhibaano ka kala socda Labada Aqal, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog u ah Munaasabada.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.