Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan sannad-guuradii 74-aad tan iyo markii la aasaasay Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo amniga, wuxuuna sheegay inay yihiin Halyeeyo xaalado kala duwan oo dalka uu soo maray kusoo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa didaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.