Dalladda SOMA oo maanta Tababar ka furtay Cadaado(Saworo)

Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association) ee SOMA ayaa maanta waxa uu magaalada Cadaado oo xarun KMG ah maamulka Galmudug ka furay Tababar ku saabsan Bedqabka Suxufiyiinta.

Tababarkan oo ay ka qeyb galayaan suxufiyiin ka kala socota 12 Idaacadood oo ku kla yaalla Gaalkacayo, Guriceel , Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Maamulka Galmudug oo ay ugu horeeyaan Xildhibaan Cabdullahi Cumar oo ka tirsan Xildhibaanada Galmudug iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Galmudug Cabdiraxmaan jaamac Afrax.

Wasiir ku xigeenka oo Tababarkan furay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Siminaarkan.

Tababarkan oo socnaya 3 maalmood ayaa gaba gabadiisa waxaa Wariyeyaasha ka qeyb galay la gudoonsiindoonaa shahaadooyin muujinaya waxyaabihii ay barteen.

SOMA oo ah Dallad warbaahineed oo ay ku midaysanyihiin 38 xarumo warbaahineed ayaa markasta qabata tababaro ko loogu qaadayo tayada wariyaasha Soomaaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.