xeeriliyaha

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa shalay la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku eedeysay inuu maleegayay arrimo ka dhan ah Dowladnimada.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dalbatay in la keeno cadeymo ku saabsan kiiska lagu heysto Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, mudo ku siman 24 saac gudahood.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa dalbaday in la siiyo 5 maalin oo dheeraad ah si ay ku keenaan Cadeymaha loo heysto Siyaasigan, balse waalaga diiday arrintaasi, waxaana la siiyay 24 saac.

Qareenada u doodaya C/raxmaan C/shakuur ayaa ku doodaya hanaanka loo maray soo qabashadiisa in ay tahay mid qalad ah, maadaama loo dhacay gurigiisa xilli habeen ah, waliba la dilay 5 ka mid ah ilaaladiisa.

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in Maxkamadda la isku soo noqdo, iyadoo laga sugayo Xeer Ilaalinta inay caddeymo u keento eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.