Difaaca badda yaa looga baahanyahay Qaybtii 2aad W/Q Marwo Asiya Dahir

marwo

Aan guda galo ujeedka qoraalkayga Maaha mas’uuliyad saaran kaliya Dawlad ( madaxwayne , xildhibaan, iwm) inay difaacaan baddeena, waa adiga,anniga iyo iyagaba waajib lagarabo Haddii aynu isgarabsan lahayn oo caawin lahayn keenna u taagan waan gaari lahayn guusha.

Waxaan horay u waynay birrigeenii meela kamida walina inaga maqan majirto cid is waydiisay kana dhiidhiday maqnaashahooda.

Adigu waad dhalatay dhegtaana kamaqashay ,ma oran maxaa la iiga qaatay , waddadee loo maray in lala wareego dalkayga.
Taasi waa midda fududaysay in dib laquusoo hunguriyeeyo baddaadiina loo sheegto.

Waxba tarimaayo banaan bax dumarro iyo carruuro iskusoobaxa maalinta lala wareego kadibna qayl qayliya.

Haddii taasi anfacaad leedahay horay wax inoogusoo celin lahay lamana haysteen dalkeena (NFD iyo Ogaadeeniya).

Ma utahay diyaar iminka inaad difaacdo dalkaaga?, waa maxay sababta aad siyaasi usugin ?, maxaa kugu mashquuliyay siyaasadaan jaah wareersan iyo raggaan usoo kacay inay dalkaaga iibsadaan.

Ha sugin kuwaa wallaahay baadan faa’iida uga helayn , waa kuwa dhegaysan waayay xildhibaanow ka dooda law 37 intaan dacwadu furmin.

Haddaba hadaynu shacab nahay maxaa inoo xal ah Fikirkaaga nagu biiri.

Annigu waxaan aaminsanahay talona kubixin dhawrkaan qodob.

1. Aan garab istaagno wallaalkeen Bashiir maxamuud.
2. Aan samaysano ururo dhalinuaro oo jooga magaalo kasta , kana shaqeeya wacyigalinta iyo qayla dhaanta difaaca badda.
3.aan mudaharaadyo nabad ah samayno hadda , intaan lagaarin dacwada .
4. Aan xildhibaanada soomaaliyeed udirno gudi dhalinyaro kala hadla ka doodida law37.
5. dalkeena aan ukacno difaaciisa cidna uma maqna ceelna uma qodna aan inaga ahayn.

Mahadsanid

W/Q Marwo Asiya Dahir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.