Xildhibaano ka tirsan B.F. Soomaaliya oo go’aano ka soo saaray Shir ay Muqdisho ku yeesheen

Mudanayaal Ka tirsan Labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya ee Ka soo jeeda deegaanada Galmudug kulan waxaa ay ka yeesheen Xariga Loo geestay Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Mudanayaasha ayaa kulankooda waxaa ay ka soo saareen Qodobo ay Kamid Yihiin Dhaleeceyn ay u jeediyeen qaabka loo wajahay xeritaanka siyaasiga iyagoo sheegay in uu ahaa mid aan laga fiirsan sida uu warbaahinta u sheegay Xildhibaan C/Xakiin Macalin Axmed oo ka mid ah Xubnihii kulanka qeyb galay, xildhibaanka ayaa sheegay in Dowladad Soomaaliya ay si deg deg ah usii deyso Siyaasiga raali gilina ka bixiso falkii dhacay iyo in ay ka garaawdo dadkii weerarka ku dhintay.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale isku raacay in Guddoonka Golaha Shacabka ka codsadaan in si deg deg ah loo furo Kal-fadhiga Baarlamaanka Golaha Shacabka si looga hadlo xaaladaha soo kordhay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.