Madaxweyne Farmaajo oo si KMG ah ugu shaqeyn doono Dhismaha Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay degay dhismaha Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga si loo bilaabo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo bilaaban doona maalmaha soo socda sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dalka uu ka bilaaban doono Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab waxaana si wada jir ah u fulin doona Ciidamada Xoogga oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Xoogaga Maraykanka waxana la sheegay in uu noqon doono kii ugu dambeeyay oo Soomaaliya looga saarayo Al-Shabaab.

In madaxweynaha dego dhismaha Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ku taala degmada Deyniile ee gobalka Banaadir ayaa loo arkaa in madaxweynaha ay ka go’antahay soo afjaridda dagaalka Al-Shabaab.

Farmaajo ayaa Ciidamada Xoogga ka dalbaday in wajahaan wax uu ugu yeeray dagaalamayaal liita oo dadka dhibay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.