Al-Shabaab oo wada qorshe ay ku go’doominayaan Beladweyne

Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka taagan duleedka magaalada Beladweyn ee xarunta gobalka Hiiraan sida ay soo sheegayaan saraakiisha amaanka.

Xiisadaan ayaa daba joogta dagaal shalay ka dhacay deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana dagaalkaasi uu ahaa mid ay soo qaadeyn Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya oo ku wajahnaa Beladweyne ayaa la sheegay in wadada loo galay, waxaana dhacay dagaal socday mudo ku dhaw 30 daqiiqo, iyadoo uu hakad galay socdaalka Ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa isku dayaya in ay go’doomiyaan magaalo madaxda gobalka Hiiraan ee Beladweyne waxaana dhowr jeer ay wadada u galayn Mas’uuliyiin iyo Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

Dadka falaqeeya Arimaha amniga iyo Ciidamada ayaa ka digaya in Al-Shabaab ay go’doon giliyaan magaalada, Sababtoo ah Magaalada Beladweyne ma jirto cid banaanka kaga bixi karta safar dhulka ah iyo wax soo gali kara oo ka tirsan Maamulka iyo Ciidamada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.