Kenya oo Maxkamadda Caalamiga ah ee Heeg u gudbisay in Muranka Badda ee Soomaaliya lagu dhameeyo wadahadal

xukun.gedotimes.com

Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda u gudbisay Jawaabteedii Dacwaddii Muranka Badda ee Dowladda Soomaliya ay ugudbisay Maxkamadda Sanadkii 2015.

War Qaraal ah oo uu soo saaray Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya  Githu Muigai ayuu ku sheegay in Meesha ay Kenya ka Taagantahay Dacwaddii Badda ay tahay sideedii islamarkaan aya Jawaabtooda ku xuseen in Muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya Kenya lagu Xaliyo Wada hadal.

“ Meesha aan Dacwadda ka taaganahay waxay ku qorantahay Sharciga Badaha ee QM iyo Go’aano kale oo Madaxda Wadamadda Midowga Africa ay qaateen 1964tii” ayuu Githu Muigai ku sheegay Warka ka soo baxay Xafiiskiisa oo lagu Daabacay Wargeeyska Nation ee Kenya kasoo baxa.

Maxkamadda The The Hague ayaa la filayaa in ay Sheegto Qaabka Dacwadda looga hadlo bilowga Sanadka 2018.

Dowladda Soomaaliya ayaa Dacwadda ka dhan ah Dowladda Kenya oo kasoo gudubtay Xuduud Badeedkii Soomaaliya iyo Kenya u gudbisay The Hague Bishii July 13 keedii 2015.

Masaafadda Badda ee lagu Muransanyahay 100,000 oo labajibaaran, waxaana ku yaalla Lix Meelood oo Saliid laga bilaaabay in Saliid laga Qodo, Dolwadda Soomaaliya ayaa ku Doodeeysa in Kenya ay Masaafo dheer ka soo durugtay meelii uu ahaa Xuduud Badeedkii Saxda ahaa ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Doodeeda waxay ku-saleeysay Qodobadda 15,74 iyo 83 aad ee Sharciga Badaha ee QM ee lasoo saaray 1982.

Dowladda Kenya ayaa Doodeeda ku saleeyneeysa Hishiis Isfahan ah oo Labada Dowladood ay gaareen 2009 kii

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.