Mareykanka oo War kasoo saaray Khasaaraha Weerarkii Beerxaani

Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee lagu Magacaabo Africom ayaa War kasoo saaray duqeyntii ay Jimcihii ay ka fuliyeen degaanka Beerxaani oo 60km dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in Weerarkaasi uu ahaa Mid qorsheysan, islamarkaana ay ku dileen Xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegeen in aysan jirin Qof shacab ah oo ku dhintay weerarkaas islamarkaana ujeedada weerarka uu ahaa bad baadinta Muwaaddiniinta Mareykanka ah,ka hortagga weerarro argagixiso oo laga qorsheynayay degaankaas iyo in dowladda  Soomaaliya iyo AMISOM ay kala shaqeeyaan amaanka.

Taliska ayaa xaqiijiyay in Weerarkaasi lagu dilay 8 xubnood ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku burburiyeen Gaari dagaal.
Hadalka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africom ayaa kusoo beegmaya xilli saraakiisha Ciidamada dowladda ay sheegeen in duqeyntaasi lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Khasaaraha dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay gaarsiisay Ciidankooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.