Shirkii Uga Socda Kismaayo Wasaaradaha Maaliyada Maamul Gobaleedyada Somaliya Oo La Soo Gabagabeeyay

bayle

Shirka Wasiiradda Maaliyadda Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyadda dalka oo labaddii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaaladda Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland, ayaa maanta lasoo gabagabeeyey, iyaddoo shirkaasi laga soo saaray qodobo dhowr ah.

1- waxay xoojiyeen qodobada Shirkii ugu horreeyey ee Wasiiradda Maaliyadda ay ku yeesheen magaaladda Garoowe bishii 3 November 2017, kaasi oo lagu aas-aasay madasha Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyadda iyo Dowladda dhexe, iyaggoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo xoojinta Xiriirka ay leeyihiin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada iyo sare u qaadida hufnaanta maamulka maaliyadda dalka.

2- waxay isku dhiiri geliyeen in la helo lagana wada shaqeeyo wadiiqo isku furnaan ganacsi ah.

3- waxay isla garteen in mideynta cashuuraha dalka uu dhiiri gelin xooggan u yahay cirib tirka caqabadaha kala xirnaanta ganacsiga maamul goboleedyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.