C/raxmaan C/shakuur oo Maxkamada Gobolka Banaadir lahorkeenay.

shakur

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa galabta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir waxaana Xeer ilaalinta laga dhageestay eedeymaha loo soo jeediyay Cabdirixman Cabdi sidoo kale waxaa la dhageestay qareenadii u doodayay Cabdirixman Cabdi .

Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeysay C/raxmaan Cabdi dambiyo ay ka mid yihiin qiyaano qaran iyo kuwa kale hase ahaatee Maxkamadda ayaa dalbatay in caddeeymo loo keeno eedeymahaas.
Sidoo kale Xeer Ilaalinta ayaa dalbatay in muddo 5 maalmood ah loo siiyo, si ay baaritaanka ku soo dhameystirto, isla markaana ku keento caddeymo arintaan la xariirta.

Qareenada u doodaya C/raxmaan C/shakuur waxay dalbadeyn in uusan dambi lahayn lana sii daayo, Maalinta bari ayaa lagu wadaa in Maxkamadda la isku soo noqdo, iyadoo laga sugayo Xeer Ilaalinta inay caddeymo u keento eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.