Maqaal:Muwaadin waxaa loo baahan yahay inaad tixgalisin dastuurka dalka aadna dantaada ka hormariso tan dadka iyo dalka

dastuurka

Labadan casho waxaa maqlaynay erayo ah waxaa lagu xad gudbay Dimuquraadiyadii iyo xoriyatul qowlkii, balse waxaa is-weydiin mudan sida ku cad Dastuurkeena sida Dimuquraadiga ah u qoran soo lama kala madax banaaneyn sadexda laamood ee awoodaha sida Garsoorka, fulinta iyo sharci dajinta.

Haddii la’aanta garsoorku isticmaaasha awoodeeda dastuuriga ah oo Dimuquraadiga ah ma dimuquraadiyadii baa lagu xad gudbay, hay’addaha garsoorku waxay xaq u leeyihiin cidii ay dacwadi ka gasho inay soo eedeyaan maxkamadeeyaan ayagoo u maraya shuruucda iyo garsoorka iyo tillmaamaha Dastuurka, Garsoorkana laga raba inay dambi ku hesho ama ku weydo.

Illaa hada ma hayno cid lagu xiry amar kasoo baxay madaxda sare ee dalka haddii ay taasi dhici laheydna su’aasha ah Dimuquraadiyad iyo xoriyatul qowl baa lagu xadgudbay waa imaan laheyd, hase ahaatee dhibtay meesha ay ka jirto waa anagoo la qabsanay inaan dambi la isku xiri karin.

Muwaadin waxaa loo baahan yahay inaad tixgalisin dastuurka dalka aadna dantaada ka hormariso tan dadka iyo dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.