XOG: Dowladda Soomaaliya oo Fashilisay Qorshihii Imaaraatka Carabta, la damacsaneyd Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay qabato gacantane kusoo dhigto Shakhsiyaad ku mashquulsanaa Duminta Dowladnimada soomaaliya, kuwaas oo shisheeye kasoo qaatay shilimaad qarankoodane u istaagay ineey dumiyaan.

Shakhsiyaadka ay dowladda soomaaliya Qabatay waxaa kamid ah Siyaasiga cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame oo ay laamaha amaanka iyo cadaaladda ee dowladda soomaaliya heleen xogo la xiriira in uu gacmaha kula jiray faldambiyeedyo uu kamid yahay inuu aad ugu mashquulsanaa duminta dowladnimada soomaaliya ka hanaqaaday.

Cabdishakuur iyo siyaasiyiin kale oo magacyadooda ay hayaan xeer ilaalinta iyo wasaaradda amniga ayaa ayaa dhawaanahanba waxa ay mashquul ku ahaayeen Burburinta soomaaliya iyagoo lacago kasoo qaatay shisheeye ay hormuud u tahay dowladda imaaraatka carabka oo geed dheer iyo mid gaabanka u saaran sidii hogaanka dalka ee hadda jira loo minja xaabin lahaa.

Xeer ilaaliyaha ayaa shalay dalbaday in Xasaanadda laga qaado, laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay hayaan caddeymo la xiriira iney xildhibaanadu ku mashquulsanyihiin Burburinta dowladda Soomaaliya, ayna lacago kasoo qaateen imaaraatka carabta.

Dadka ay dowladda soomaaliya ku guuleysatay helidda xogahooda la xiriira shaqooyinka ay shisheeyaha u hayaan  waxaa kamid ah ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya, waxayna wacad ku martay dowladda in cidkastoo shisheeye ka shidaal qaadata duminta qarankane u istaagta in ay gacan bir ah ku qaban doonaan, sharciga iyo cadaaladdane la horkeeni doono.

sikastaba ha ahaatee dowladda soomaaliya ayaa guulo waaweyn oo lataaban karo kasoo hoyisay dhinacyada sirdoonka iyo helitaanka xogaha shakhsiyaadka shisheeyaha u shaqeeya ee gudaha iyo dibadda dalka ku kala sugan.

Guul Soomaaliya

Nabad iyo Nolol.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.