TOP News: Soomaaliya oo ay kabilaabatay Nidaamka Sareynta Sharciga.

xeeriliyaha

Kudhawaad sodon sano oo Soomaaliya aysan kajirin nidaam iyo kala dambeyn ayey dowladda Soomaaliya waxa ay bilowday hanaanka sareynta sharciga, iyadoo cidkastoo sharciga ku xadgudubta sharciga lala tiigsanayo.

dhawaan ayey dowladda soomaaliya bilowday hanaanka isla xisaabtanka oo dhamaan dhinacyada kala duwan ee dowladda iyo shacabkaba lagula xisaabtamayo shaqooyinka ay hayaan.

Xildhibaano ayey xeer ilaalintu dalbatay in Xasaanadda laga qaado si sharciga loola tiigsado, arintaas oo qeyb weyn ka ah qorshaha sareynta sharciga ee ay waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Siyaasiyiin dano shisheeye ka shaqeynayay ayaa xabsiga loo taxaabay kuwaas oo maxkamadda la horkeeni doono si loola xisaabtamo, iyadoo uu dadkaas kamid yahay siyaasiga cabdiraxmaan cabdishakuur oo wayadaan dambe ku mashquulsanaa minja xaabinta dowladda federaalka ee soomaaliya.

Garoonka Muqdisho ayaa la dhigay magacyada shakhsiyaad ka shaqeynaya duminta dowladda si loola xisaabtamane waxaa la horkeeni doonaa cadaaladda oo ay wajihi doonto cidkasta oo sharciga ku xadgudubta.

Dowladda Soomaaliya ayaa hal ku dhig ka dhigatay in cidkastaa uu sharciga ka sareeyo, lalana xisaabtami doono cidkastoo ku xadgudubta sharciga iyo xeerarka u dagsan Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Guul Soomaaliya

Nabad iyo Nolol.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.