Booliska Soomaaliland oo baadi goobaya Fanaanka Nimcaan Hilaac.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland ayaa magaalada Boorama ka baadi goobaya Fanaanka Nimcaan C/raxmaan Hilaac oo dhawaan ka laabtay Koofurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Fanaankaan oo ka mid ah Fanaaniinta dhalinyarada ah Islamarkaana sanadiihii dambe ka dhaq muuqday Fanka Soomaaliya ayaa dhawaan ka degay Dalka Jabuuti waxa uuna kadib safar dhinac dhulka ah ku galay Gobalka Awdal.

Ciidamo wata sadex gaari ayaa tagay guriga Fanaanka iyagoo qoyskiisana ka dalbaday iney dibeda usoo saaraan Sharcigana isu dhiibo balse dadweyne arinkaa ka careysan ayaa isku gudbay Fanaanka iyagoona goobta ka bixiyay Nimcaan Hilaac sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamadii duulaanka ahaa iyo dadweynaha Fanaanka la safnaa ayaa waxaa dhexmaray dagaal rasaas iyo gacan ka hadalba la isu adeegsaday taasoo dhalisay dhaawaca dhowr qof oo Shacab iyo Boolis isugu jira.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Boorama ayaa sheegaya in Ciidamada ay xireyn Aabaha dhalay Nimcaan Hilaac oo ah sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska iyo qof oo ka mid ah qoyska Nimcaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.