Abuu Mansuur iyo Itoobiya oo ku heshiiyay ka fal celinta Weerarkii ay Shabaab ku dilayn Wiilka Abuu-Mansuur

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeyso safar deg deg ah uu Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur ku tagay magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool waxaana la sheegayaa in saacadihii la soo dhaafay kulamo la qaatay Saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in Abuu-masnuur Labo ujeedo ay salka ku heyso safarkiisa, tan koobaad waxaa lagu sheegay in uu ka qeyb galayo Aas loo sameyn doono Ciidamo kaga dhintay dagaalkii Al-Shabaab iyo Ciidankiisa ku dhaxmaray Abal waxaana dadkaasi ka mid ah Wiilkiisa oo lagu magacaabo C/llaahi Shiikh Mukhtaar.

Qorshaha Labaad ayaa lagu sheegay in Saraakiisha Itoobiya iyo kuwa Soomaalida uu kala hadlay sidii looga fal celin lahaa Dagaalkii Al-Shabaab ay ku dileyn dagaalamayaal uu ka mid ahaa wiil uu dhalay Abuu Mansuur.

Mid ka mid ah Saraakiisha Dowladda ayaa   sheegay natiijooyin hor dhac ah oo ka soo baxay Shir ay yeesheen Abuu Mansuur iyo Saraakiisha Itoobiya.

“Shiikha iyo Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya waxay ka wada hadleen dagaalkii ka dhacay Abal iyo sababtii keentay dhimashada ciidamo badan oo ka tirsanaa maleeshiyo daacad u ah, waxaana lagu heshiiyay in si deg deg ah looga jawaabo weerarkii shabaab ay ku dilayn Ciidankeyna” ayaa sheegay mid ka mid ah Xubnihii la kulmay Abuu-Mansuur.

Sidoo kale Sarkaal ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in dhawaan uu howlgalkaasi ka bilaaban doono gobalka gaar ahaan Nawaaxiga Abal ee duleedka Xudur

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.