Kooxo hubaysan oo ruux ku dilay Degmada Hawlwadaag

Kooxo hubaysan ayaa xalay waqti dambe waxa ay nin ku dileen xaafada Shanta Geed ee Degmada Hawlwadaag, meel ku dhaw Xarunta Degmada ay ku taallo.

Dadka degaanka ayaa sheegay saacada markii ay aheyd 2:30 habeenimo in ninkaan lagu dilay meel ku dhaw masaajidka Shanta Geed afaafkiisa hore, kadib markii meel luuq ah lagu dilay ninkaan.

Qof ku soo kacay muranka dadka wax dilay iyo ruuxa la dilay ayaa sheegay inuu maqlaayay hadalo ay ka mid ahaayeen “Ha idilana”, durbana uu maqlay dhawaqa laba xabadood oo ninkii lagu dilay.
Kooxda dilka gaysatay ayaa durbadiiba waxa ay halkaasi ka qaadeen maydka ruuxa ay dileen, waxaana saaka aroortii dadka xaafadda ay halkaasi ku arkeen dhiig badan oo yaala afaafka hore ee masaajidka Shanta geed iyo fooqa laba xabadood.

Illaa hadda waxaa la garan la’yahay ruuxa la dilay iyo dadka wax dilay waxa ay ahaayeen, maadaama maydka qofka la dilay halkaasi laga qaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.