Wararkii ugu dambeeyay ku dhawaad 70 ruux Soomaali ah oo lagu dilay degaanka Gadule

map

65 ruux oo Soomaali ah ayaa lagu dilay degaano ka mid ah Ismaamulka Somalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Somalida halkaasi ku nool.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay tuullada Gadule ee hoostagta Degmada Darullow ee Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya.

Dilka dadkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii Ciidamada Liyuu Boolis ay weerareen degaan aan Gadule ka dheerayn, halkaasina ay ku dileen laba ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari.
Reerka laga dilay labada ruux oo ka carooday falkaasi ayaa weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Soomaalida ku nool degaanka Gadule, halkaasina ay ku dileen illaa 65 ruux oo Somali ah.

Xiisad culus oo dilkaan ka dhalatay ayaa ka taagan deganadii dilalka ay ka dhaceen, waxaana laga cabsi qabaa dilalka inay intaan ka sii bataan, iyadoo aargoosi laga duulaayo.

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay hawada ka saartay xiriirka Baraha Bulshada, si xiisada arintaan ka dhalatay aysan cirka isugu sii shareereen, waxaana goobaha dilalka ka dhaceen loo diray ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

Somalida ku nool Ismaamulka hoostagga Oromada dalka Itoobiya ayaa waxaa soo food saaray xaalad cabsi ah oo la xiriirta dilalkaan dhacay iyo inay ka cabsi qabaan inay sii socdaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.