Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo Culimada Soomaliyeed ugu baaqay in dhalin yarada Soomaaliyeed ay Wacyo geliyaan

Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed mar uu la hadlay war baahinta ayuu ka dalbaday culimadda Soomaliyeed, imaamyada masaajidyada iyo waliba macalimiinta dugsiyada qur’aanka ee ku yaala Magaalada Muqdisho in ay u istaagaan la dagaaalanka afkaarta guracan ee Al-Shabaab ku marin habaabinayaan dhalinyarada Soomaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale  gudoomiye Thaabid ayaa sheegay inay ka doonayaan culimadda Soomaliyeed, macalimiinta dugsiyada qur’anka iyo waliba imaamyada masaajidyada in ay u diyaar garoobaan dagaal lala gelo Al-Shabaab ,maadaama buu yiri ay ku dhameeyeen shacabka soomaliyeed musiibadii Zoobe oo kale, islamarkaana aan ka qeyb qaadanaa dagaal ka dhanka ah ee Al-Shabaab, kaasi oo ay ku dhawaaqday dowladda Soomaliya goor hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.