Madaxwaynaha Zimbabwe oo balanqaaday in dimuqraadiyada uu xushmayn doono

Xisbiga haya talada dalka Zimbabwe ee ZANU-PF ayaa taageeray in madaxwayne, Emmerson Mnangagwa, uu noqdo hogaamiyaha xisbiga.
Madaxwayne Mnangagwa ayaa sidoo kale noqonaya musharaxa tartanka madaxwaynanimada ugu qayb gali doona doorashada sanadka soo socda.
Kulanka sanadlaha ee ay yeeshaan golaha fulinta ee xisbiga ayaa waxa xisbiga laga ceyriyay madaxwaynihii hore Robert Mugabe iyo xaaskiisa, Grace,iyo dadkii ay siyaasad ahaan ay aadka isugu dhawaayeen.
Mr Mnangagwa oo khudbad u jeediyay saraakiisha xisbiga ayaa sheegay in hogaankiisa xisbiga,ZANU-PF uu xushmayn doono geedi socodka dimuqraadiyadda.
Waxa uu sheegay in geedi socodka isbadalka lagu samaynayo arrimaha dhulka ay tahay mid joogto ah.
Xilligii uu Mr Mugabe,ahaa madaxwaynaha Zimbabwe ayaa dadka caddaanka ah lagala wareegay beerahooda.
Waa kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan golaha fulinta ee xisbiga ZANU-PF tan iyo intii uu xilka ka dagay Mr Mugabe.
Robert Mugabe ayaa dalka Zimbabwe xukumayay muddo 37 sano

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.