Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay Xoojineyso la Xisaabtanka Milatariga Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo in muddo ah waday isla xisaabtanka hay’adaha Dowladda si loola dagaallamo musuqmaasuqa, ayaa bilowday daraasad lagu hubinaayo tirada ciidamada iyo bixinta mushaaraadka si ciidanka loogu dhiirrigeliyo dagaalka lagula jiro kooxaha aragaxisada ah.
Maadaama ay socoto daraasad lagu qiimeynayo awooda ciidanka (Operational Readiness Assessment) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka waxa ay isla garteen in muddo kooban la hakiyo taageerada cutubyo ka tirsan ciidanka XDS si dib u qaabayn loogu sameeyo gargaarka amniga.
Hakinta waxa ay salka ku haysaa keddib markii ay Dowladda Mareykanka soo dirtay guddi baaris ku sameeya meelaha lagu bixiyo kaalmada Mareykanku siiyo ciidamada bishii May ee sanadkan si dib u habeyn loogu sameeyo hannaanka loo caawiyo ciidamada iyo in la xaqiijiyo in kaalmada loogu talagalay ciidamadeenna ay gaaraan meelaha loo qoondeeyay. Guddigaas waxa ay daba socdeen in ay xaqiijiyaan sidii loo isticmaalay kaalmadii ay Mareykanu bixiyeen dhawrkii sano ee u dambeysay.
Markii uu Barlamaanku ansixiyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bishii Abriil ee sanadkan, waxaan albaabada u furnay saaxiibada naga taageera arrimaha ciidamada si aan u abuurno nidaam ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.
Iyada oo taasi laga duulayo, waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay guddi baaritaan kusoo sameeya tirada iyo tayada ciidamada Milatariga iyo Booliiska, meelaha ay kala joogaan iyo qalabka ay haystaan.
Hakintan wax saameyn ah kuma laha heshiiskii ay labada dhinac kala saxiixdeen 5tii bishan iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku ku bixiso cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Ciidamada XDS.
Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowday in ciidamadeenna lagu diiwaangeliyo qaab electronic ah oo ka hortagaya in la musuqmaasuqo mushaaraadka ciidamada, laguna xaqiijinayo tirada iyo tayada ciidanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dib-u-habeyn dhab ah lagu sameeyo ciidamada iyo hay’adaha maaliyadda, lana xoojiyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.
Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladdda Mareykanka iyo Dowladaha kale ee aan saaxiibka nahay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu dambeysay heshiisyadii labo dhinaclaha ahaa ee aan wada saxiixannay toddobaayadii lasoo dhaafay.
Sidoo kale, waxaan soo dhaweynaynaa warbixintii Sanduuqa Lacagta Adduunka uu sii daayay toddobaadkii hore kaas oo lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ku guuleysatay qorshihii ay sanadkan ku heshiiyeen hay’adda IMF kaas oo muujinaya in lagu kalsoonyahay hay’adaha maaliyadda dalka.
DHAMMAAD

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.