Soomaali lagu laayahay Dalka Itoobiya

Wararka nagasoo gaaraaya deegaano ka mid ah ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo tiradooda ay gaareyso 65 qof lagu diley tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow,Hasa ahaatee, madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Itoobiyaanka ee afafka Oromada, Tigreega iyo Axmaaradda ee VOA, ayaa tirada dadka dhintey ku sheegay 14 qof.
Cabdirizaaq Maxamed waxaa uu intaas ku darey in weerarkan uu ka dhashey duullaan ay ciidamada Liyuu Boliiska ee deegaanka Soomaalida ku soo qaadeen deegaan aan Gadule oo ay ku dileen Askari iyo Qof kale.
Mid kamida Soomaalida ku nool Degaanka uu Weerarku ka dhacay oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka la dilay ay gaarayaan 65 Qof oo Soomaali ah,kuwaas oo ku jiray Hal Guri oo ay ku Go’doonsanaayeen.
Dhulka ay wada dagaan Oromada iyo Soomaalida Wadanka Itoobiya ayaa dhowr jeer waxaaa ka dhacay Dagaal Dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Horay Dowladda Federaalka Itoobiya waxaa ay u sheegtay in ay Xakameysay isku-dhacyadii dhexmaray Qoomiyadda Oromada iyo Soomaalida Itoobiya oo dhowr jeer wada dagaalamay.
Hayeeshee Isku dhacaan soo Cusboonaaday ayaa dadka Soomaalida ee ku nool Itoobiya waxaa ay sheegeen in ay qabaan wal wal ah in la beegsado,Maadaama Rabshaduhu ay hadda Xoogeysteen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.