Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa dalka dib uGu soo laabtay kadib markii ay kasoo qayb galeen Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee lagu qabtay Dalka Turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka kala socotay golayaasha Dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna shegay inuu safarkiisu kusoo dhammaaday guul.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa intii uu ku sugnaa Dalka Turkiga waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii shirkaasi ka qayb gashay, iyadoo ay hoggaamiye walba ka wada hadlayeen xoojinta xiriirka waddamadooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.