War deg deg ah-:Qarax Ismiidaamin ah oo goor-dhaw ka dhacay Muqdisho

deg

Saakay aroortii hore ayaa qof soo xirtay waxyaabaha qarxa waxa uu isku qarxiyay barxadda hore ee Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan.

Qof ka mid ah Ciidanka Booliska ee ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in uu arkay dhimashada 7 Askari oo Booliis ah iyo dhaawaca in kabadan 10 kale.

Qofka is qarxiyay ayaa la sheegay in uu xirnaa dharka Ciidanka Booliska waxa uuna dhax galay Ciidan Boolis ah oo feesto ka dhigayay Barxadda hore ee Iskuul Buluusiya, Subax walba Barxadda Dugsiga Tababarka Ciidanka ee General Kaahiye ayaa tababar iyo Gaardis waxaa ku sameeya Ciidanka Booliiska oo u diyaar garoobaya Xuska Ciidanka Booliiska ee ku beegan bishaan Gudihiis.

La soco wixii ku soo kordha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.