Shiikh Mukhtaar Roobow oo la kumaya Madaxda maamulka Jubbaland

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo muddo dheer ka dib ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa kulamo la qaadanaya madaxda maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Soomaaliya.
Abuu mansuur ayaa Madaxda Jubbaland kala hadlaya dhaq dhaqaaqyo ciidan ee uu hormuud u yahay kuwaas oo dhawaan ka bilaaban doona Gobalo badan oo ku yaala koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Abuu mansuur uu qeyb ka yahay safaro uu ku tagayo maamul Gobaleedyada Islamarkaana uu kala tashan doono arimo quseeya Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Howlgalo lagu wado in uu ka dhaco Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.