Ciidamo ka tirsan Dowladda oo markii Lixaad todobaad gudahiis ku dagaalamay Muqdiso.

dagaal

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa xalay dagaal culus ku dhaxmaray Xaafadda Jamhuuriya ee gobalka Banaadir waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah.
Dagaalka ayaa dhacay Xalay abaare markii ay saacadda ku beegneed Shan saac oo rubi dhiman, waxaana xiligaasi xaafadahooda ka barakacay Shacabkii ku noolaa xaafadaasi oo maalin ka hor ku soo laabtay kadib Shan maalmood oo ay barakac ugu maqnaayeen.
Ciidankaan ayaa hore sidaan oo kale shan maalmood oo is xig xigta ku dagaalamay xaafadaasi waxaana ku dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Maleeshiyada dagaalamaya oo ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa hada u abaabulan hab qaabiil waxayna isku heestaan dhul banaan oo halkaasi ku yaala, Dowladda soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay wax ka qabato dagaalkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.