Khilaaf soo kala dhaxgalay Guddoomiyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

xaashi

Markii ugu horeysay ayaa waxaa banaanka u soo baxay khilaaf u dhaxeeya Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo salka ku haaya loolan dhinaca Sharciga ah.

Cabdi xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ka soo hor-jeestay kulan lagu wado in dhawaan magaalada Baydhabo ay ku yeeshaan Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka ee dowlad goboleedyada, kaas oo uu qaban qaabinayo Golaha shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Warqad qoraal ah uu Guddoomiyaha Aqalka sare uu u kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada, laguna ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa lagu dalbaday in la joojiyo shirka lagu qaban doono magaalada Baydhabo, kaas oo lagu tilmaamay mid lagu bur burinayo laguna kala dhantaalayo nidaamka federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.