Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta Cod u qaadaya Miisaaniyada 2018-ka.

Xildhibaanada  Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in markii sedexaad ay dood geliyaan Miisaaniyada Dowlada 2018-ka.
Waxaa maanta lagu wadaa in cod loo qaado miisaaniyada 2018-ka,maadaama labadii kulan ee la soo dhaafay xildhibaanada ay geliyeen Aqrinta Labaad.
Hayeeshee guddiga Maaliyadda iyo Wasaarada Maaliyadda ee xukuumada Soomaaliya  ayaa la filayaa in Cabashooyinka ay soo gudbiyaan Xildhibaanada ay dib u saxaan.

Ansixinta Miisaaniyadda ayaa dib u dhigtay fasaxa xildhibaanada golaha Shacabka ay gali lahaayeen ,maadaama qorshaha uu ahaa in la soo xiro kalfadhiga 2-aad ee u furmay bishii July ee sanadkani.

Amaanka Xarunta golaha Shacabka ayaa Aad loo adkeeyay Waxaana Wadooyinka lagu Arkayaa ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa AMISOM oo Xeray Wadooyinka Soo gala Xarunta golaha Shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.