Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliland oo maanta lagu caleemaha Saaraya Magaalada Hargeysa.

Munaasabadda dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee la soo doortay 13-kii November ayaa maanta oo Arbaco ah ka qabsoomaysa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa,sida ay sheegayaan Wararka
Waxaana Xafladan  ka soo qayb galaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaysa wadamada Africa, Europe iyo dalalka carabta, waxaana Masuuliyiinta imaaneysa ka mid ah Safiiro, Xildhibaano iyo Wasiiro ka kala imaanaya wadamo dhawr ah.
Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Madaxweynihii 5-aad ee ay Somaliland yeelato tan iyo 1991-kii markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga, waana madaxweynihii 3-aad ee ay dadweynuhu u codeeyaan.
Amaanka guud ee Magaalada Hargeysa ayaa la adkeeyay waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidamada Amaanka Somaaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.