Al-shabaab oo soo bandhigay Gaari ay sheegeen inuu Mareykanku Duqeeyay”Sawiro”

Warbaahinta Al-shabaab ayaa soo bandhigay Sawirada Gaari Caasi ah oo Qudaar saaran tahay islamarkaana ay sheegeen in Diyaaradaha Mareykanka ay Duqeeyeen Duleedka Degaanka Mubarak Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Shabaab ayaa sheegay in Gaarigaan uu Qudaar ka soo qaaday Degaanka Mubaarak oo uu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho,balse Diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyeen.
Warar kale oo aan weli la Xaqiijin ayaa sheegaya in Gaariga ay Duqeeyeen Diyaaradaha Mareykanka ay ka buuxeen Waxyaabaha Qarxa oo Al-shabaab ay ku soo dhex qariyeen islamarkaana Diyaaraduhu ay sidaas ku beegsadeen.
Mareykanka ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku aadan Duqeynta uu Xalay ka fuliyay Degaanka Mubaarak Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.