Wasiir Beyle”waxaan rajeyneyaa in Soomaaliya laga Cafin doono Deymaha lagu leeyahay”Sawiro”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaalle Beeyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay natiijadii ka soo baxday shir uu Magaalada Nairoobi kula soo yeeshay madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, gaar ahaan Barnaamishka Korjoogteynta Shaqada iyo Shaqaalaha ee loo soo gaabiyo ‘SMP’.
Madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dalka ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoona Madaxdii Wasaaradda ee uu hogaaminayay Wasiir Bayle ay guul dib ugula soo laabteen Dalka.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in hadii sidaan wanaaga ah loogu wado maamulka Maaliyadda Dalka ay dhici doonto in Soomaaliya laga cafiyo dhamaan deymaha lagu leeyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.