Maamulka Gobalka Shabeelaha hoose oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Abaanduulaha ciidanka Xoogga.

Xilli dhawaan Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Genaraal  C0abdulaahi Cali Caanood uu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ay la sahqeeyaan Al-shabaab ayaa waxaa eedeeyntaasi iska fogeeyay maamulka gobolkaasi.
Cali Nuur Maxmed gudoomiye ku xigeenka Amniga dhinaca Amniga ee Shabeelaha Hoose  ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin cid katirsan maamulkooda oo la shaqeysa Al-shabaab basle taas hadii ay jirto oo uu ogyahay Amaan duulaha Ay habooneyd in uu soo sheego kahor inta uusan warbhiinta la wadaagin sida uu hadalka u dhigay.
Mar idaacad kulmiye ay gudoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose ay weeydiisay mar hadii taliskii ciidanka xooga dalka ay eedeeyn u jeediyeen Maamulkooda iyaguna ay iska fogeeyeen sida ay iskula shaqeynayaan ayaa Waxaa uu ku jawaabaabay in Aysan jirin Howlgalo muuqda oo Amaan Duulaha Ciidanka ka sameeyo shabeelaha hoose , xureynta deegaanada shabeelaha Hoose ay shabab kaga suganyihiin ayuuna tilmamay in loo baahanyahay hogaan wanaagsan ooh or kaca ciidanka xooga sida uu sheegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.