Xidhibaanada golaha shacabka oo dalbaday in la cadeeyo 14 milyan ee lagu kordhiyay Miisaaniyada 2018-ka

Mudanayaasha golaha shacabka ayaa waxaa ay dalbadeen in la cadeeyo 14ka milyan ee lagu kordhiyay Misaaniyadda qaabka loomaareynayo ama loo isticmaalaayo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Xildhibaan Cabdi Cali Maxamed ayaa ka mid ahaa mudanayaasha dalbaday in la ogaado Halka ay Ku baxeyso lacagtaani.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa waxaa uu sheegay in ay jirto lacag aan Miiisaaniyaddi Hore Ku jirin, islamarkaana la isticmaalay.
Meel marinta Misaaniyadda 2018 ayaa u muuqato in ay adkaan doonto sida xildhibaanada qaarkood ay shalay ka sheegeen  kulanka golaha shacabka.
Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa waxaa ay wadaa in dadaalo ku aadan sidii loo ansixin lahaa miisaaniyada 2018-ka,maadaama shalay Xildhibaanada golaha shacabka ay labo jeer marsiiyeen aqrinta miisaaniyada 2018-ka,hayeeshee lama oga go’aanka ay ka qaadan doonaan Xildhibaanada golaha shacabka miisaaniyada sanadka 2018-ka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.