Ciidamada Amaanka Puntland oo Xalay howlgalo ka Sameeyay xaafadaha Magaalada Boosaaso.

Wararka Naga soo gaaraya magaalada boosaaso ee gobalka Barri ayaa sheegaya in ciidamada Amaanka Puntland ay Xalay Halkaasi ay ka sameeyeen howlgal lagu xaqiijinayay Amaanka,kaasi oo looga hortagayo Falalka Amni daro ee mararka qaar ka dhaca Magaaladaasi.

Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in Baaritaanka ay ka sameeynayeen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada,gaadiidka,iyadoona u jeedada baaritaanka uu ahaa in gacanta lagu soo dhigo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo daacish oo la sheegay inay gudaha u soo galeen degaano ka agdhow Magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in howlgalkii xalay ay ciidamada sameynayeen ay dad badan ku soo qab-qabteen howlgalkaasi,inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn tirada dadka howlgalkaasi lagu soo qabtay.

Howlgalka xalay ay sameynayeen Ciidamada Amaanka Puntland ayaa waxaa laga dareemay guud ahaan xaafadaha Magaalada Boosaaso ee gobalka barri.

Maalmihii la soo dhaafay ayay aheyd markii ciidamada Amaanka Puntland ay Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish ay ka wadeen buuraha galgala iyo calmadow oo inta badan halkaasi ay ku dhuumaaleystaan dagaalamayaasha ka tirsan Shabaab iyo Daacish

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.