
Abaanduulaha ciidamada xooga Soomaaliyeed Janaraal Cabdullahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay kaga digayaan maamulada degmooyinka iyo kan gobalka shabeelaha hoose ee wada shaqeyn ka dhaxeysa iyaga iyo Al-shabaab, maadaama qaar kamid ah afkaarta Al-shabaab ay ku shaqeynayaan sida uu hadalka u dhigay.
Janaraal Caanood ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in shacabka Soomaliyeed iyo ciidamda xooga ay iska horkeynayaan maaamulada degmooyinka qaar ee gobalka shabeelaha hoose, islamarkaana ay sheegayaan in ciidamada ay dhacaan mar waliba,shacabka isticmaala wadada isku xirta magaalada muqdisho iyo degmada Afgooye.
Sidoo kale Abaanduulaha ayaa ciidmada xooga dalka Soomaaliyeed ee Maal mahan fariisinka looga sameeyay deegaanka calamada kula dar-daarmay in aysan baaran shacabka Soomaliyeed iyo gawaarida ay wataan, balse looga baahanyahay in ay ka difaacaan shacabka Soomaliyeed Al-Shabaab, islamarkaana ay dagaal la galaan.
Hadalka Abaanduulaha ciidmada xooga dalka janaraal Cabdullahi Cali ayaa imaanaya xili maalin ka hor darawalada ka xeeya gaawaarida isticmaala wadada isku xirta muqdisho iyo afgooye ay dhigeen dibad bax ay ku sheegeen inay kaga cabanayaan ciidamo dheeri ah oo wadadaasi la soo dhigay,kuwaasi oo ka qaadanaya lacago xad dhaaf ah
Leave a Reply