Xiisad u dhaxeysa Ciidamo kawada tirsan Dowladda oo maalintii 5-aad ka taagan meelo ka mid ah Muqdisho.

Qaar ka mid ah Ciidamada Soomaaliya ayaa maalintii 5aad Siyaabo kala Duwan ugu dagaalamaya degmooyinka Kaaraan, Heliwaa iyo Hodan waxaana wali taagan xiisad u dhaxeysa Ciidanka Dagaalamay.

Goob joogayaal ayaa  xaqiijiyay saakay ay dad hor leh ka Barakacayn Xaafadda Jamhuuriya, gaar ahaan jidka Jaayga oo ku dhaw Cali Geedi halkaasi oo ah meel kala qeybisa degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa waxaana isku heesta Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo hore sidaan oo kale 3 jeer ku dagaalamay.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee dhaxmara Ciidanka ku sugan Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan oo ku beegnaa Shalay ayaa waxaa ku dhintay Ugu yaraan 2 qof 3 qof oo kalane waa ay ku dhaawacmeyn.

Dadka deegaanka oo ay la hadashay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ay saakay ka soo baxeyn Guryahooda kadib markii ay halkaasi soo gaareyn gaadiid dagaal oo Gurmanaya Garab ka mid ah dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Dagaalkaan ayaa salka ku haayo is qab qabsi dhul la sheegay in uu ka mid ah Hantida ma guurtada ee qaranka leeyahay.

Deegaanka Cali Geedi oo ka tirsan Xaafadda Jamhuuriya sidoo kalane ah deegaan kala qeybiya Labada degmo ee Heliwaa iyo Kaaraan ayaa ah deegaan 5-tii sano ee la soo dhaafay aad u dhismayay, waxaana deegaan ka dhigtay kumanaan shacab ah kuwaas oo u badan dan yar ku nool Gobalka Banaadir.

Dhinaca kale waxaan wali xal laga gaarin dagaalkii shalay sidoo kale ka dhacay Xaafadda tarabuunka ee degmada Hodan kaas oo Labo maalmood ku dhaxmaryay Ciidamo ka tirsan Soomaaliya gaar ahaan Milatariga iyo Nabadda Qaranka.

Sidoo kale dagaalkaan degmada Hodan ku dhaxmaray Milatariga iyo Nabad sugidda oo ay dad ku dhintayn kuwa kalane ay ku dhaawacmayn ayaa salka ku haayo dhismo ka mid ah Hantida ma guurtada ah.

Labo jeer oo ay Ciidamada ku dagaalamayn Xaafadda tarabuunka ee degmada Hodan iyo 3 Jeer oo ay Ciidamo ka tirsan Dowladda ku dagaalamayn degmada Kaaraan ayaa wali xal laga gaaraan waxaana goobihii lagu dagaalamay kuwada sugan Ciidankii ay dirirta u dhaxeysay waxa ayna shacabka daggan goobahaasi ay qabaan walaac ku salaysan in mar kale dagaal halkaasi ka dhaco.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in aysan waxba ka qaban Cabashada ka soo baxeysa Shacabka lagu dul dagaalamayo oo qaarkood ka cararay Gurihii ay daganaayeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.